su,aalo iyo jawaabo

Home
ILA QOSOL
Favorite Links
Contact Me
Family Photo Album
WORLD'S PHOTOGARAPHERS
sheeko xariireey
AYAAN DARAN
Computer iyo Kaalintaada

well come
45.gif
ENG: ABDIKARIM AHMED HUSSEIN

1,  GANACSIGA   

 
 
halkan oo aanu su,aalo iyo jawaabo ganacsiga ku saabsan  ku soo banidhigi doono  qaarkood !
 
 
s1: maxaa lagu kala saaraya hadii laba qof isku khilaafaan qiimaha wax ay kala iibsadeen markhaatina aysan haysan?
 
j1:qofka wax iibinaya ayaa dhaaranaya, isaga ayaan hadalkiisa la qaadan ama way kala noqonayaan.
 
s2:ma banaan tahayin badeecadalagu sii iibiyo meeshii lagu iibsaday?
 
j2:maya waa xaaraam.
 
s3:maxaa sabab u ah dhibaatooyinka iyo duliga heysta muslimiinta maanta?
 
j3:mucaamalo xumo, aduunyo jeceyl iyo jihaadkii oo laga tagay.
 
s4:qofku ma isi saari karaa deyn qof nool ama dhintay lagu leeyahay?
 
j4:HAA.
 
s5:yaa laga doonaya inay ka bixiyaan deyn lagu leeyahay qof muslim ah oo geeriyooday hadii la waayo qof ka bixiya dayntaas?
 
j5:dawlada islaamka ah.
 
s6:madaxwayne ama boqor ma xiran karaa dhul gaar ah si ay xoolihiisa kaliyah u daaqaan?
 
j6:maya, laakin dawlada islaamka ayaa dhul u xiri karta xoolaha muslimiinta kaliyah.
 
s7:lacag ma lagu qaadan karaa quraanka wax ku daawayntiisa?
 
j7:haa way banaa tahay.
 
s8:muxuu noqon xukunka qof guri ka dhista boos qof kale leeyahay?
 
j8:waa in laga dumiyaa gurigaas meesha, hadii uusan doonayn qofka booska leh in laga iibsado.
 
s9:maxaa lagu sameyn qofka haduu leeyahay warshad uu lacag badan ka helo,laakiin qiiqa ama qaylada  warshadaas ka soo baxa ay dhibayaan dadka xaafadaas dagan?
 
j9:waa laga joojiin qofka wixii isaga faaiido u leh,  laakiin dadka kale dhib u gaysanaya.
 
s10:sidee  baa wanaagsan qofka wax laga amaahdo in loola dhaqmo?
 
j10:waxay akhyaarnimadu ku jirtaa  in qofka wax laga daynsado wax ka fiican la siiyo.
 
 
 
 
 
 
2,  GUURKA
halkan oo  aanu su,aalo iyo jawaabo  guurka ku saabsan ku soo bandhigi  doono  qaarkood!
 
 
 
s1:ninku haduu xaaskiisa ku yiraahdo hooyadeey oo kale  ayaad iga  tahay ,   xaaraam  maka noqonaysaa ?
 
j2:xaaraam ayeey ka noqonaysaa ilaa  uu  kafaaro-guud  la yimaado.
 
s2:nin iska ciyaaray haduu nin kale ku yiraahdo " gabadhayda  waan  kuu  meheriyay" ninka  iyo gabadhana is rabaan  meherkaas  ma jira?
 
j2:Haa  haduu ninku aqbalo.
 
s3:haweenaydu  ma dalban  kartaa  furitaan?
 
j3:HAA  hadii ay sabab  sharci ah  haysato.
 
s4:maxay xaq u leedahay  haweenayda  uu  ninkeedi  ka dhintay iyagoon  is  taaban?
 
j4:meher  iyo dhaxal, ciddo  inay tirsatana  waa  laga  doonaya.
 
s5:waa  sidee  inuu ninku xaaskiisa gadaal  uga  tago?
 
j5:meel  aan ka ahayn meesha dhalmada (farjiga) waa mamnuuc in haweenayda looga tago lacnad ayaana ku dhacaysa qofkii sameeya.
 
s6:waa sidee xaasku inay iska diido ninkeeda isagoo uga baahan galmo?
 
j6:waa danbi waxayna isku darsan carrada allah iyo  lacnada malaaŽikta.
 
s7:maxay xaq u leedahay maxkamad islaami ah oo ay usoo dacwootay gabar loo diiday wiil ay is rabaan inay is guursadaan?
 
j7:in aabaha lagu yiraahdo isku meheri, haduu diidana maxkamaddu  isku  meheriso.
 
s8:maxaa la gudboon gabar iyo wiil is rabaa,  laakin la isu diiday?
 
j8:inay maxkamad islaami ah isla tagaan oo ay isku meheriso  xattaa  haduusan  waalidku ogalayn.
 
s9:muxuu ninku ka samayn shardiga ay gabadhu qabsatay markii la  nikaaxinayay?
 
j9:waa in loo oofiyaa shardigaas hadii  uusan  sharciga  ka  hor imaanayn.
 
s10:maxaa loo baahan yahay in la iska ilaaliyo marka la is shukaansanayo?
 
j10:isla cidloobid/khalwo, muddo dheer wada socosho,gacmo is qabsi, faaraanti isku galin waana dhaqamo xun-xun oo sharciga ka soo horjeeda.
 
 
 
 
3,  WAX YEE LADA
halkan oo su,aalo iyo jawaabo  wax yee lada    ku saabsan ku soo bandhigi doono qaarkood!
 
 
s1:ma la oran karaa gaal ayaa muslim ka fiican?
 
j1:maya waana danbi wayn oo ay culumadu qaarkood yiraahdaan in diinta looga bixi karo, laakin wanaagooda waa la sheegi karaa.
 
s2:muxuu xalaal ku noqon karaa dhiiga qofka muslimka ahi?
 
j2:inuu zino la yimaado isagoo  guur soo maray,  inuu dilo qof muslim ah iyo inuu diinta islaamka ka noqodo.
 
s3:qof  aan muslim ahayn ma lagu khasbi karaa islaamnimada?
 
j3:MAYA,  haduusan cadawtinimo muslimiinta u gaysanayn,laakin waa loo sharaxaya oo waa loo soo bandhigayaa.
 
s4:waa imisa magta qofka loo dilo si u eg  kas ula kac iyo gaf, qofkii dilayna la garanayo?
 
j4:100-neef oo geel ah, 40-kamidana ay irmaanyihiin.
 
s5:muxuu bixinayaa hadii dhakhtar la yaqaan qof uu daawaynayay ama qalayay dhinto?
 
j5:waxba looma haysto.
 
s6:muxuu mag ahaan u bixinayaa,  qofkii ku dhufta qof kale dhaawac lafta cadeeya?
 
j6:shan neef oo geel.
 
s7:waa sidee qokii la dilo isagoo  daafacanaya xoolihiisa?
 
j7:waa shahiid, haduu xoolaha uu isagu leeyahay daafacanayo,  laakiin maaha inuu dhulka muslimiinta la kala leeyahay.
 
s8:mag ma leeyahay qofkii qof  qaniina oo markaa ay ilkuhu ka  daataan?
 
j8:MAYA,  mag iyo aar gudasho midna malaha.
 
s9:mag ma leeyahay ilmaha ku dhinta uurka hooyadiis dhaawac hooyadiis loo gaystay awgeed?
 
j9:HAA waa leeyahay, laakiin mag dhamaystiran ma laha.
 
s10:waa imisa magta faraha?
 
j10:fartiiba waa 10-neef oo geel ah, faraha lugaha iyo gacmahaba.
 
 
                                       
AnimationOnline5 Colors.GIF
i2u2me4.GIF
    
 
 
 
      
 

  QAABKA LOO QORO WARARKA IYO FAALOOYINKA : riix halkan
 
 
 
 
 
                         skyword268@hotmail.com
                         abdikarimsweden@hotmail.com
                         billleskin@hotmail.com
 
 
 
MAXAA LALA KULMAA GEERI KA DIB ? riix halkan

abdikarim home bage

somali new webs                               la  soco markasta  halkan
Your Banner

contac abdi karim by E-mail

maxaad ka taqaana  SALAADA  ,DAHAARADA, IYO WAX BARASHADA 
 
COMIN SOON...

Your Banner
WWW.TOGDHEER.4T.COM