SHEEKOOYIN

Home
ILA QOSOL
Favorite Links
Contact Me
Family Photo Album
WORLD'S PHOTOGARAPHERS
sheeko xariireey
AYAAN DARAN
Computer iyo Kaalintaada

 
 
 
 
 
QAYB LIBAAX
bari baa waxaa dhacday in habar dugaag qasheen hal ay ku qadeeyaan si cid waliba qado ku hesho,  waxaa loo baahday mid kooxda hilibka u qaybiya ( BOQORKA AYDA).
libaax ayaa la waydiistay inuu  qaybinta  gudoomiye ka noqodo  libaaxiiba wuxuu doortay waraabe inuu ha hawsha la wareego, waraabana wuu ogalaaday inuu qaybiyo.  si iski kalsooni ah  ayuu hilibkii laba qaybood oo is le,eg u kala qaybiyay qayb wuxuu siiyay libaaii qaybtii kalana wuxuu dhex dhigay xubnihii kale ee habar dugaag oo dhan.
libaxii wuu ka xanaaqay qaybtaa la siiyay iyo waraabe suu u qaybiyay iyo siduu ugu xad gudbay  qaybtiisi,
intuu deg deg usoo dhuftay oo legday ayuu dhirbaaxo kulul dhulka la dhigay, in yar ka dib ayaa waraabe ka kacay suuxidii uu ku jiraywuuna dhaqaaqay isagoo dhaawac ah oo liita oo la sharaf tiray,   libaaxii isaga oo indhaha ku gubaya ayuu intii kale eegay wuxuu yiri ( dawocooy adigu hilibka qaybi si cadaalad ah ),  dawacadii laba qaybood oo is le,eg ayeey hilibkii ka dhigtay qayb ayeey siisay libaaxi qaybtii kalana waxa usii qaybisay laba qaybood oo is le,eg  hadana qayb ayeey siisay libaaxi  sidaa ayeey ku waday qaybintii, ilaa hilibkii hasha oo dhan siisay libaaxi  .
libaaxii raali ayuu ka noqday qaybtii loo qoondeeyay wuuna tagay isaga oo aan waslad yarna u dhaafin xubnihii habar dugaag ee kale.
habar dugaagi kale ayaa ka xumaaday  xaqsoor-xumada dawacadii  waxay waydiiyeen  sababta ay uga qadisay hilibkii ay ku qadeen lahaayeen marka lagu darro iyada (dawacada).
dawaco waxay marmarsiiyo uga dhigatay waxay fashay ,wixii waraabe ku dhacay   waxay tiri ( markaan arkay sida loo galay waraabe oo ahaa kii kibir iyo awoodba inoogu badna iima furnayn waddo kale oo aan naftayda kaga badbaadin karo dhirbaaxada libaaxa ee igu sababi karta  dhimash deg deg ah)
 
 
 

 RAH MA QAAN BAXO

xilli abaar ah hawadu kulushahay oo ceelashii iyo balliyadiiba gudheen ayaa rah haraad iyo gaajo badan la kulmay wuxuu ka fekeray muddo badan sidii uu ku heli lahaa cid caawisa wuxuu xasuustay saaxib hore oo uu lahaa,

markaas ayuu aaday gurigii saaxkii wuxuuna weydiistay  waxoog lacag ah oo uu deyn uga qaato si uu biyo ugu iibsado,

rahii wuxuu ku ballan qaaday inuu deynka usoo celiyo mulkiilaha gu,ga soo socda ninkii naxariis ayuu u dareemay rahii tabaalaysnaa wuxuuna siiyay lacagtii markiiba,

dhawr bilood ka dib, markii roobkii da,ay geedihiina cagaar noqdeen balliyadii iyo harooyiinkana muggod biyo uga buuxsameen ayaa ninkii aaday rahii si uu lacagtiisi uga soo qaato laakin markii uu meeshii tagay rahii balli bartankiis ayuu hees iyo ciyaar ku dhex haystay ugu danbaystii ayaa ereygii ugu horeeyay ee uguna danbeeyay ee ka kasoo baxa rahii afkiisi wuxuu noqday  ( caadi ahaan xiligani waa waqti aan ku haboonayn in laga hadlo deymo iyo cabashooyin naftay da ayaan u raaxaynayaa   ragganimadayda ayaan muujinaya sidaa darteed ayaamahan la ima heli karo ha inoo ahaato xilliga soo aadan ).

waxaa mar labaad soo galay jiilaalkii markaas ayaa ninkii ku noqday meeshii rahu ku noolaa, laakiin wuu heli kari waayay,baaritaan badan ka dib ayaa ninkii arkay rahii oo ku dhuumanaya lakabyo badan oo dhoobo ah hoostood,markaas  inta uu u tagay ayuu waydiiyay inuu bixiyo deyntii sidii horay u ballan qaaday, laakin in yar oo aamusnaan ah ka dib ayaa rahii si miskiinimo ah u yiri   (  sida aad ogtahay saaxibaw waxaynu ku jirnaa jiilaal sida dhabta ahna ma aha waqti ku haboon in laga hadlo deyman . waad aragtaa inaan ahay caato itaal yar waxaanan u baahanahay  cid i kaaalmaysa fadlan ii naxariiso oo igu soo noqo guga soo socda lacagtaadi diyaar ayeey kuu tahay markaa  ).

ninkii wuu garan waayay wuxuu sameeyo inuu iska tago isaga oo caga jiidaya  moyaane,  lakiin dariskuu ka bartay waxa meesha kaga dhacay   wuxuu noqday in dabeecadu marna aanay raha ku caawin inuu deymanka iska bixiyo  markaas  ayuu lacagtii ku qoray diiwaanka  deynta xumaatay dibna ugu ma soo noqon rahii.

BURCO.togdheer
kusoo dhawaada gacmo furan
ilaah wuu jecel yahay adoomadiisa

Here I'll describe this picture from my vacation, including information such as where and when it was taken, and what memories it brings back. I may also include include information on the current weather conditions at our vacation spot.

A family on vacation; Size=180 pixels wide

Here I'll describe another picture from my vacation.

bbb.gif

Here I'll describe another picture from my vacation.

Gondolas in Venice; Size=240 pixels wide

Here I'll describe another picture from my vacation.