143.gif

Home
ILA QOSOL
Favorite Links
Contact Me
Family Photo Album
WORLD'S PHOTOGARAPHERS
sheeko xariireey
AYAAN DARAN
Computer iyo Kaalintaada

 
ILA  QOSOL
 
 

 





 

 
KEE BAA UGU CAAJIS BADAN.
 
 
Saddex  nin ayaa ku murantay in midkoodba  midka kale ka caajis badan yahay,  Dabadeedna way isu gar dhigteen si loo kala  bixiyo loona  soo saro kooda qaada horyaalka caajisnimada.
 
_Mid ayaa yiri : Anigu  waxaan ahay ninka wuxuu caajisnimo ka qabo maalin geed hoos seexday ,dabadeedna hooskii dhinaca kale u wareegay oo ka wahsaday inuu qoraxda ka kaco dushiisana ay ku dhamaatay ilaa ay qoraxdii ku dhacday dhinaca kale.
 
_Midkii labaad ayaa isna yiri:  waxaan ahay ninka inta isagoo meel jiifa uu ku yimid daad biyo ah oo aan ka kicin, ee ay biyihii qaadeen ilaa  aan ka bakhtin gaaro!
 
_Midkii´sadexaad ayaa la waydiiyay wixii ugu darnaa ee caajisnimadiisa muujinaya , markaasu gacanta meegaartay (HAMAANSADAY) isagoo tilmaamaya inuusan hadli karin caajisnimo darteed.
 
MAAN WADA TUUGSANO.
 
Nin tuugsade ah ayaa habeen habeenada ka mid ah wuxuu soo maray rag gurigooda ku cawaynaya, markaasuu ku yiri "Magana alle" waxay ku yiraahdeen "allah ha ina siiyo" markaasu yiri "Xataa jab muufo ah oo qalayl ah maad isiisqaan" markaasay yiraahdeen "ma haysano" markaasu yiri " Xooga har haraa ahna maa isiisaan" markaasay yiraahdeen "ma awoodi karno"  Isagoo quus ku dhaw ayuu ku yiri "Hadaba galaas biyo ah isiiya"    Hase ahaate waxay ku yiraahdeen " biyo nooma yaalan " Kolkaasu ku yiri "  waa maxay meesha aad fadhidaan ,ina mariya aan wada tuugsanee ileen idinkaa iga mudan in la tuugsadee".
 
 
QOF WALBA U MUUQO ,ANIGASE ISKA KAY QARI
 
Juxaa ayaa loo doonay gabar ay meel wada daganaayeen si loogu guuriyo ,  Inkastoo uusan isagu gabadha horay u arag hadana waxaa loo  sheegay inay quruxbadan tahay oo ay qancin doonto  ayna noqon doonto midii uu muddoba raadinayay.
 
Habeenkii markii loo soo galbiyay oo loo keenay gurigii ayaa juxa wuxuu arkay in gabadhu ay fool-xumo  ku goobatay.  Subaxii markuu waagii baryay ayaa gabadhii  waxay juxa ku tiri " juxoow,  nimanka qaraabadaada ah ii kala sheeg , kuwa  aan iska asturayo iyo kuwa kale"   Juxa oo qoslaya ayaa ugu jawaabay "  Dadka oo dhan u muuqo ,  laakin aniga iska kay astur".
 
MAY KAAS  BADALAAN.
Nin xoolo dhaqato ah oo magaalada u yimid inuu ka dhamaysto dano uu laahaa  ,  ayaa maalin maalmaha ka mid ah u daawasho tagay ciyaar dhex maraysa laba kooxood,  ciyaartaas oo ahayd mid aad iyo aad u adago ninkii reer miiga ahaa  wuxuu arkay  ciyaarahan isaga ula muuqda inuu si wanaagsan u cayaarayo oo la bedelayo  garoonkana ka sii baxaya markaasaa ninkii reer miiga ahaa intuu dhiniiciisa midig eegay ayuu ku yiri nin ag fadhiyay " Inta ay ciyaaryahankaas  beddelayaan may kan dharka madmadaw sita badalaan, oo  aan  isagu marnaba taaban banooniga  halka ay ka badalayaan caayaartoogaas "!!    wuxuuna kan dharka madmadaw  ula jeeda  garsooraha cayaarta .
 
DHABCAALKII  ADDUUNKA.
Mid ka mid ah dhabcaalada (bakhaylada ) aduunka ugu waawayn  ayaa xaaskiisa waxay u keentay cunto.  Xaaskiisa oo si wayn uga heli jirtay  inay gacaliyaheeda cuntada la cunto ayaa soo garab fariisatay  waxayn guuda galeen inay isla cunaan  markay xoogaa wada cunayen ayaa ninkii ku yiri xaaskiisi   "cuntadu way macaan badnaan lahayd  hadaan  cirriiri jirin"  Xaaskiisi ayaa iyadoo yaaban ku tiri  "  waa maxay ciriirigu ?   waa aniga  iyo adiga uunee "  markaasa wuxuu ku yiri " Waxaan jeclaan lahaa inaan noqono  aniga iyo saxanka oo kaliyah ".
 
 
FARXAD & NAXDIN LOO DHINTAY.
Labo nin oo ka mid ah ragga isticmaala daroogada ayaa isku qabsaday waxay wado diyaarada hawada maraysay, Mid wuxuu yiri " Diyaaradu waxay waday dad rakaab ah"  Halka kan kale uu yiri " Diyaaradu waxay wadaa wafdi"  markay murankoodi isla dhaafi waayeen ayeey go,aansadeen inay iskula tagaan saaxiibkood  oo sidoo kale ah isaguna ragga daroogada isticmaala. Markay u sheegeen arrinkii ay isku  haysteen  ayuu u balan qaaday inuu si cadaalad ah ugu kala garsoorayo.    wuxuuna hadalkiisi ku bilaabay "Nimanyahaw i dhegeysta, diyaaradu rakaab ma wado oo hadii ay wado waxay istaagi lahayd boosteejooyin badan.  wafdina ma wado, oo hadii ay wado waxaa horsocon lahayd mootada taraafikada ee horkacda baabuurta waftiga lagu qaado.    Hadaba ruux kale ma wadee, waxay waddo waa aniga!"
 
 
YAA DARAN.
Nin ayaa wuxuu u tagay dhaqtar wuxuuna ka codsaday inuu raaci si u wax uga qabto xaaskiisa oo xanuusan,   isagoo sidoo kale  u sheegay dhaqtarka in xaaskiisu waalan tahay. Dhaqtarkii ayaa ku yiri " sideed ku ogtahay inay  xaaskaagu waalan tahay?" Ninkii ayaa yiri " waxay doonaysaa inay soo iibsato neef ari ah " Shaqtarkii oo yaaban ayaa yiri " oo maxaa ku jaban haddey soo iibsato" 
 
Nikii aad  ayuu uga xanaaqay hadalka dhaqtarka  wuxuuna u qaatay in dhaqtarku ku jeesjeesayo, wuxuu yiri " waxay doonaysaa inay ku xanaanayso qolka jiifka" Dhaqtarkii ayaa isna yiri " iska dhaaf ha ku xanaanaysee"  Ninkii ayaa yiri "hawada qolka ayaa xumaanaysa"  Dhaqtarkii  ayaa yiri " daaqadaha iska fur"  Ninkii ayaa ugu jawaabay  2 waxaan ka baqayaa inay qoolaydu iga baxsato" Dhaqtarkii ayaa yiri " xaggey ka imanaysaa qoolayda aad sheegaysaa?"  Ninkii ayaa yiri "sariirta hoosteeda ayay ku jirtaa, oo aan mudaba ku barbaarinayay"!   Dhaqtarkii ayaa yiri " Hadaba labadiina yaa daran".
 
JUXA  IYO MAYD
Juxa oo si aad ah dhimashada u neceb ayaa maalin la soo hor mariyaya meyd naxash lagu wado ,markaasaa la waydiiyay " juxaw marka meydka naxashka lagu wado dhankee wanaagsan inaad ka socoto , hor mise gadaal mise hareeraha ?"  juxe wuxuu si degen u yiri " Meeshaad doonto ka soco , waxaa ugu muhiimsan inaadan noqonin kan naxashka lagu wado".
 
LABA DOQON OO IS DHALAY
 Nin doqon ah ayaa ku yiri wiilkiisa oo isna doqon ah " maalinkii aan ku tukanay salaada jimcaha masjidka hebel,  goormay ahayd"? wiilkii ayaa ku jawaabay " aabe waan halmaamay,  waxaanse u malaynaya inay ahayd maalin Talaado ah " Abihii ayaa isaguna ugu jawaabay 2 Waa runtaa"
 
HABEEN  IYO  MAANLIN
Laba nin oo tuugo ah ayaa usoo dhacay goor habeen ah guri uu lahaa nin isagun tuug wayn ah, laakiinse iyaguse aysan aqoonin,  labadii nin ee tuugta ahaa gudaha ayeey usoo galeen qolkii uu jiifay ,  Isaguna inta uu is hurdisiiyay  ayuu markii ay bartamihii guriga soo gareen oo ay ku dhaqaaqeen in ay raadiyaan wax ay xadaan ayuu tuugi guriga lahaa maradii iska qaaday wuxuuna si dagan u yiri "   War waxan aa habeenkii raadinaysaan anaagaa maalin cadaydii waynay ee raali ahaada akhyaareey".
 
 
YAAB,  YAABKIIS,  AMAKAAG IYO ARGAGAX.
Oday ayaa caruur dudun hoos harsanaya u yimid,  maraaksuu  ku yidhi " hal waa yaab, halna waa yaabka yaabkiis halna waa amakaag iyo argagax     1.  Dudun aboor baa dhisay waa yaab    2.Misana habeenkii buu dhisaa waa yaabka yaabkiis   3. Hadana candhuuftiisa iyo ciid buu ku dhisaa waa amakaag iyo argagax.
 
SADDEX MA GAARTID.
 Nin maalin kuma gaartid  Nina sanad kuma gaartid Nin waligaaba ma gaartid.
 
1.Nin kaa faras wanaagsan maalin kuma gaartid
 
2.Nin xoolihiisa  goofkaada mid ka doog badan daaqsadayna sanad kuma gaartid
3. Nin kaa naag wanaagsana waligaaba ma gaartid
 
 
 
 
 

I might talk about how old I am, what I look like, and what I do for a living. (I'll try to be truthful!)

I might also include some information about my personal history: where I grew up, where I went to school, various places I've lived. If I have one, I'll include a picture of myself engaging in an activity I enjoy, such as a sport or hobby.

Backpacker taking a drink; Size=180 pixels wide
Taking a break from work

What a job!

I might describe my job in a little more detail here. I'll write about what I do, what I like best about it, and even some of the frustrations. (A job with frustrations? Hard to believe, huh?)

Favorites

Here's a list of some of my favorite movies:

Jules and Jim, Manhattan, Breaking the Waves

Here's a list of some of my favorite music:

Nirvana, Frank Sinatra, Ibrahim Ferrer