Home
About Me:abdikarim
Favorite Links
Contact Me
Family Photo Album
EDUCATION
Vacation Photo Album
My Resume
New Page Title

hn.gif

Welcome!


MAXAA LALA KULMI GEERI KA DIB??.....
 
Q.ENG:   ABDI KARIM AHMED HUSSEIN skyword268@hotmail.com
 
dhamaantiin salaamu calaykum wa raxmatulaaha.
 
fikrada aan aaminsanahay aniga oo ah abdi karim.........
 
waa mawduuc runtii loo baahan yahay in laga hadlo.
 
 
NAFTII  WANAAGSANEED
qof kasta oo innaga inaga mid ahi wuu dhimanayaa qof kasta oo innaga inaga mid ahi waa kii mawdka dhadhamiya
balse nabigu wuu dardaarmay CSW wuxuuna ku dardaarmay "war badiya sheegitaankiisa  ama xasuustiisa midka macaani  oo dhan dumiya  had iyo jeeraale" midk aduunyada  dadka ka quusinaya  oo qofkaan maalkiisi dareensiinaya kaa xusuustiisa badiya  WAANA  MAWDAK  .
nabiga  CSW waxa uu isagu nugula dardaarmayo iyo waxa aynu innagu ku dhaqmaynaa  waa  laba  aad iyo  aad u kala fog.    marka qofku hadii uu aakhiro xasuusto aduunyadu way la yaraataa  haduu aakhiro iloobana aduunyadu way la waynaataa  hadii  uu qofkii  ajelkiisi  uu  dhamaado wakhtigii ilaahay u qoray  cimrigiisi u dhamaado .
 
imika  akhriste adigu bal naftaada in yar imika naxashka ku rid ka dibna eeg adoo ku jira kafantaadi ka dibna eeg adoo godkii laguu sii laalaadinayo ka dibna eeg iyadoo ciidii lagugu rogaayo ka dibna eeg meesha lagaga  soo tagayoo adigoo sii maqlaya dadka kab qaadkoodi.
godkoon lahayn iftiin ilaa ilaahay inuu u yeelo mooyee     oo cidhiidhi ah ilaa inuu ilaahay waasiciyo mooyee oo dabayl lahayn ilaa inuu ilaahay u yeelo mooyee bal imika  akhristee intaa  niyada  gasho.
 
malaa igtii alle ayaa kuu timaada oo soo fadhiisanayaan meesha ishu ay wax ka aragto iyagoo kaa raraya  daartii dhamaanaysay oo kuu raraya  daartii hadhaysay  markaasu malakul mawt kuu soo dhawaan malagii la yidhi nafta soo qaad  ilaa  uu madaxa kaa soo fadhiisto. naftii buu u yeedhin kolkaa,maarkaa  naftan loo yeedhayaa laba midkood bay noqon
 
1:naf  markay aduunka joogtay xasuusneed  aakhiro iyo mawd ilaahay iyo rasuulkiisa adeecday oo xaaraantii iska iska ilaalisay dariiqii nabigeena CSW raacday wuxuu ka leexiyayna  ka leexatay
 
2 :iyo mid waxaas oo dhan diiday
 
hadii ay markaa tahay naftu ama ruuxdu  ruux  wanaagsan wuxuu malakul mawt odhan "soo bax nafyaheey jidhka wanaagsan ku jirtay ee aan xaaranta cuni jirin ee rasuulka  amarkiisi raacday wuxuu ka reebayna ka hadhay.  
ku  bushaarayso  janno iyo ilaahay raali ahaanshihiisa " saas baa la odhan.
dabadeedna naftii way soo bixin sidii dhibic biyo ah oo kasoo dhacday weel la foorariyay."sidii qodax suuf laga soo saaray oo kale".waxaana  sidaa u soo bixi nafta qofka muslimka ah uun iyo muminiinta.
ka dib naftu jidhka ku dhagi mayso ee  way soo bixin naftii iyagoo u wada dhaqitaan janada ay ka soo qaadeen,malaa igtii way la soo cararayaan oo markiiba  ilaahay baa loo bandhigayaa,marka qofku nafta ay ka baxaysano naftiisa kor baa lala  aadaya (samada) ka dibna  samooyinka oo dhan waa lasii marinayaa oo malaa,igta ayaa ku sii tukanaysa ilss samada rabi ku sugan yahay la geeyo ka dibna ilaahay bay malaa igtii naftaas  waday u waydiinayaan inuu samada  u furo ka dibna ilaahay wuu u furaya samada oo naftii way salaamaysaa ilaahay salaan rabinimo ka dibna ilaahay wuu soo dhawaynayaa .
 
hadaba akhriste naftaada samada maloo furi doonaa  mise waa laga celin doona? ma taqanid.
 
ka dibna waxaa u soo baxa janada kaadhkeedi oo la odhanayaa ku qora jannada naftan buugeeda.
 
ar nasiib badana  ninka lagu qoray jannada.ilaahay waxaanu ka wada baryeenaa inuu janada nagu qoray dhamaanteen wixii muslimiin ah aamin aamin aamin.
 
ka dibna arlada u celiya isagoo raali ah meeshii uu ku jiray (xabaashii)
waayo ilaahay wuxuu yidhi(ciida ayaanu iniga abuurnay iyada ayaanu inigu celinaynaa iyada ayaanu iniga soo saarynaa maalinta (qiyaamada).   dad  badan ayaa is waydiiya  marka qofka maydka ah la maydhayo naftiisi halkay joogtaa .qofkaasi haduu mumin yahay markaas  waa la soo celin isla markiiba ka dib marka lagu soo qoro jannada oo way ag taagan tahay laakin inagu uma jeedno oo waxay leedahay ( ida dajiya,ida dajiya,ida dajiya) waayo meesha ay ku socoto way ogtahay.
ka dibna marka la aasayo godka ayeey la galaysaa isagoo sii maqlaya dad jabaqdoodi.ka dibna xaalku intaas kuma dhamaan.
waxaa u imanaya isla markiiba  laba  malag oo oo bilaa naxariis ah ayaa u imaanaya wayna soo fadhiisinayaan oo waxay waydiinaya    sida:
 
1:ilaahaagu waa kee ?
2:nabigaagu waa kee?
3:diintaadu  waa tee?
 
qofkii ilaah iyo rasuulkiisa iyo diintiisa aqoonin wuxuu oran aaaah    aaah   aaaah kufaarta  oo kale  iyo qofkii aan ilaahay aqooninba laakin qofka muslimka ahi si wacan ayuu uga jawaabaya oo wuxuu odhanayaa sida:
 
1:ilaahay waa ka khalqiga iyo samaawaadka abuuray
2:nabigaygu waa muxamad  CSW
3:diintaydu waa diinta islaamka (furqaan)
 
ka dibna qofkii muslimka ahaa ee xabaasha ku jiray qabrigii cidhiidhiga ahaa ayaa loo waasicin oo ilaahay baa kala jiidin dhulka.
ka dibna godkii waxaa kula soo galaya camalkaagi oo wixii aduunyadu kulama soo galayaan  daarihii aad dhistay iyo gawaadhidii iyo lacagtii kula ma soo gali ee  waaxaa kula soo galay camalkaagi.
dabadeedna waxaa kuu imaanaya wiil yar oo aad  iyo aad u qurux badan oo udgoon badab misaad odhanaysaa  (war adigu ma tihid kii danbiga la imaan jiray ee danbi kaama muuqdee  yaa tahay? wuxuu ku odhanayaa  (camalkaagi ayaan ahay) ilaahaw camalka noo qurxi rabiyaw ilaahay nooqurxi rabiyaw . qofku markuu xabaasha galo camalkiisi wuu arkaaya oo wuu u imaan.    
 
 akhriste ma dheera ee  hada ogaw waxani waxay kugu dhacayaan adigoon is ogayn malaa wax fog baad u haysata,  ehelkaagi iyo qaraabadaadi iyo maalkaagi adoo haysta ayeey waxani kugu dhacayaan   
EE  WALAAL ILAAHAY MAXAAD U DIYAARISAY MAALINTAAS QIYAAMADA ?
 
 
ka dibna waxaa loo furin daaqad cadaabta ah  misaa lagu odhan ( fiiri wuxuu ilaahay ka leexiyay) misaa loo furin haddana mid jannada ah misaa la odhan (fiiri ilaahay waxa uu kuu diyaariyay)  labadiiba wuu arkaya marka qofkii meydka ahaa ee meesha ku jiray.
 
saas ayaa dadka ehlu cilmiga ahi meelaha khatarta ah u galayaan oo lacagtoodi u baabiinayaan oo sadaqaysanayaan waxay doonayaan inay intaas  oo kaliyah gaadhaan innaguna lacagtii ayaanu ka daba ordaynaa oo diintiine u tuuraynaa inaan lacag helno  awgeed mmmmmm,    FAHMKEENU INTAAS AYUU LE EG YAHY.
 
qofkaas muslimka ahi wuxuu la kulmi janooyin iyo waxyaabo ilaahay ugu talo galay oo aanan maskaxdayda ku soo koobi karayn
 
NAFTII   XUMEYD
 
WAXA LA GU SMAYNAYAA INTAAS AANU SOO SHEEGNAY KA SOO HORJEEDKEDA    
 
WAA MIDAANU KA BAQAYNO INAAN XAGEEDA  AADNEE..
 
marka godka la galiyo ee la aaso qofkaas laba malag oo wajiyaal madaw oo wata kafan laga soo qaaday naarta oo ur qadhmuun leh iyo geedo naarta laga soo qaaday way u yimaadaa oo sidii oo kale ayeey u fadhiistaan oo naftii ayeey u yeedheen naftii isla markiiba soo baxi mayso ee waxay isku dhajin jidhka markay aragto malagani sida uu u egyahay dabadeedna iyagoo garaacaya jidhkii meel kasta ayeey ka soo saaraan naftii ku odhanayaan soo bax nafyaheey urka badani wax dhulka korkiisa ku bakhtiya ay ugu ur badan tahay, waxayna yidhaahdaan ku bushaarayso cadaab iyo ciqaab kalakduwan,
 
samada ayaa lala aadaa naftaas urka badan leh ,
ka dibna waxaa nacladaya malag kasta oo jooga samooyinka iyo dhulka dhexdooda,ka dibna waxaa ilaahay loo waydiiya in samada loo furo laakin looma furo waana laga diidaa,ka dibna dhawaaq baa ka yeedha xaga ilaahay wuxuu yidhaahdaa ku qora naftan jahanaba(cadaabta),ka dibna u celiya dhulkii  misaa la soo tuuraa naftii si xun,misay soo xaadirtaa inta la dhaqayo oo la kafanayo iyo qaadidiisa sariirta korkeeda ayeey ka qaylinaysaa mise odhanaysaa "war halkaa ii wadaan" maxaa yeelay way og tahay in lasoo diiday oo jahanaba loo diyaariyay way ogtahay inaan khayr ka horayn qayladaas oo ay maqlayaan xawaayaan ku nool dhulka korkiisa misaa la galiyaa  xabaashii misay malaa igtii ku yidhaahdaa sida
1:ilaahaagu waa kee?
2:nabigaagu waa kee?
3:diintaadu waa tee ?
misuu yidhaahdaa qofkii maydka ahaa ee meesha ku jiray  aaah  aaah    aaaah
misay ku odhanayaan waxna ma fahantid ee waxna ma garatid ee hagaranin misay ku dhufanayaan bahal ay wataan oo ilaahay og yahay quwadiisa ilaa   ay  feedhaha hoose dhulka hoose  mudan feedhaha sarena dhulka sare mudaan oo cabaadka ka baxayo ay maqlayaan shay kasta oo dhulka ku nooli   dadka iyo jinka mooyee. mmmmmmmm
ilaahayaw naga badbaadi.
ka dibna waxaa loo godlaa oo furaash looga dhigaa  naar
misaa daaqada loo furaa jannada ah oo la yidhaah  fiiri waxa ilaahay kaa leexiyay
misaa hadana loo furaa mid cadaabta ah misaa la yidhaah fiiri waxa uu ilaahay kuu diyaariyay.
labadaba  wuu arkaya.
 
hadaba akhriste inaan soo dhaafnay ha moodin  wax fogna ha moodin minut gudaheed  ayeey waxani ku dhacayaan  nafta in lagaa qabtaa ilaahay waxba kuma aha adiga waxaa aragtaa qofkan in la qaaday oo ciida lagu rogay  uun,   laakin  nabigu CSW wuxuu inoo sheegaya   waxa dhici doona.
 
waxaa liibaanay qofkii ilaahay ku dhaafsiiyo marxaladaas,
ilaahay hana dhaafsiiyo marxalaadaas   aamin aaaamin    aamin.
 
misaa loo keenin camalkiisi  oo  waxaa u iman mid indha la  oo dhaga la oon  hadlaynin.
misuu odhan qofkii maydka ahaa  ee meesha ku jiray( war adigu yaa tahay uma ekid kii khayrka la imaan jirayee)
misuu odhan isna ( waxaan ahay camalkaagi)
 
akhriste ogow aduunyadu waa xabsiga qofka muuminka ah iyo jannada kaafirk.     WAR IS DIYAARI QOFKASTAW ,IS DIYAARI .
 
 
qofkii dadka xaman jiray ee dadka hilibkooda afkiisa ku cuni jiray waxaa lagu googoon afkiisa  maqasyaal naarta laga soo qaaday  waxaana laga bilaabaya  daanka ilaa qadaadka ayaa lagu geenaya iyo cadaabyo kala duwan,
 
qofkii maalka agoonta cuni jirayna iyo ribada calooshooda waaxaa laga buuxin  naar afkana waxaa lagaga gurin  dhagaaxaan  naar ah,
 
dadka ribada cunna  waxay ku dabaalan wabiyaal dhiig  ah  ayuu
ilaahay ku dabaalsiin  doona say ugu dabaalan jireen  xaaraanta,
 
qofkii salaada ilaahay ka hurdi jiray ee aaan tukan jirin  dhagax ayaa lagu dhufanaya markasta waxaana lagag dhufanayaa madaxa misuu bashaaqin misaa  haddana la isku soo celin si uu u dhadhamiyo cadaabka  alle  misaa hadana lagu dhufan  saas buu ku jiraya  waligii
 
qofkii beenta sheegi jiray daanka la dilaacin ilaa qadaadka sanka la dilaacin ilaa qadaadka  indhahaa la dilaacin ilaa qadaadka saas buu ku jirin isaguna,
 
 INTAA KA DIB.....
 
dabadeena waxaa la afuufaya nafkhadii ugu danbeesay ee qiyaamaha la isku soo saarayay waxaana afuufaya malaga (ISRAAFIIL).
 
qofkii muslimka ahaa wuxuu soo baxaya isagoo leh( ILAAHI MARKAAN DHIMANAY NA SOO SAARAY AYAA MAHAD LEH)
 
isagoo ilaahay u mahad naqaya ayuu soo bixin oo ogaa inuu dhimanayo lana soo saarayo ogaa inuu muddo qubuuraha fadhin doono og meesha uu imika qabanayo oo mar hore kaadhkeedi u soo baxay (JANADA)
 
kii kaafirka ahaana isagoo leh ( WAR YAA NAGA SOO SAARAY MEESHAYADI AANU KU JIRNAY)  waayo xabaasha ay ku jiraan meel hurdo ah oo kale ayeey  u tahay marka loo eego   cadaabta sugaya laakin may hurdin ee ciqaab ayaa ku socotay  waayo waa tii lasii tusay meesha sugaysa
 
 
misaa la soo kaxeenaya khalqiga ilaahay abuuray  oo dhan iyagoo wada qaawan wada caga cad  wada  buuryo qab ah nin iyo naagba
 
qof walbaana waxaa kexeenaya  malag  kaasoo ah  kii daftarkeeda haayay kuna markhaati furaya
 
dadku maalintaas waxay isugu jiraan mid qoslaya sidii muslimiinta oo kale mid faraxsan mid ooyay oo cadaab ku soo socda ka ooyaya
 
oo caalamkii dhamaan soo baaba,o  oo umadii khalqi wixii ilaahay abuuray isku wada yimaadaan  ilaa  NABI AADAn________NABI MUXAMADE  CSW.
 
ka dibna dadku meesha ay taagnaadaan  1000 SANO oo nabiyadii ilaahay soo dirto lagu yidhaah  (ILAAHAY NOO BARYA INUU QIYAAMAHA RIDO IMIKA) ilaa  mid kasta  loo tago uu yidhaah   anigu ilaahay ku odhan maayo .
 
ilaa nabi muxamed looga tago oo uu ilaahay u sujuudo oo ilaahay ka aqbalo oo qiyaamihii dhacdo .
 
maalinkaas cirku qorax ma leh oo ilaahay iftiinkiisa ayaa cirkii qorax u yeelaya  ka dibna ilaahay iyo malaa igtiisi ay yimaadaan iyagoo sharaf galinayaa caalamkan ilaahay iyo malaa,igtiisu
 
(akhri suurada  al-fajr  iyada ayaa ka waramaysaa ilaahay iyo imanshihiisa    ayaada     20______26   .
 
 
ka dibna waxaa la kala soocaya  gaaladi  iyo muslimiina   ,la iskuna dhex jiri maayo.
 
miisaankiina waa in la keena ka uu miisaankiisu cuslaado weeyaan ehlu janadu  ka uu khafiifona waa ehlu naarkii
miisaanka adiga lagu saari maayo ee waxaa la saaraya  kan godka kuu yimi,
 
misaa loo yeedhi doona  markhaatiyaashii oo dhan ee aduunyada 
laakin kuwaas waxaa ka horayn jidhkaaga ayaa kugu markhaati kicin    GACANTII,    ISHII,    DHAGTII,    LUGAHII,    AFKII, 
dhamaan jidhkaaga oo dhan.
 
taa waxaan ula jeeda   xumaanta  aad samaynayso  aad is leedahay dadka  kale ka dhuumo gacantaadaanad ka dhuuman karin xubin kastaana oo jidhkaaga ka markhaati ahi way kugu markhaati kici     WALAAHAY BILAAHAY TOLAAHAY
 
XAGAAD KA GALIN IYAGA ...
 
jidhku wuxuu odhan doonaa nafta cadaab  naftuna waxay odhan doontaada  jidhku isagaa macsida ku dhacayee cadaab.
..misaa loo soo dirin  malag oo malagii wuxuu keenayaa
mid indho aan lahayn  oo kici kara iyo mid  indho leh oon  kici karin
dabadeedna beer bay soo wada galayaan misuu odhanaya kii indhaha lahaa war anigu midhaha geedkaa ku yaalaan arkaa  ee makici karo ,adiguse waad kici kartaa laakin indho ma lihid saanu ku soo wada guranaa,   misuu kiikale yidhi  " anigu aan ku qaade adaa arkee inoo soo gur misuu qaaday soona guray midhihii  misuu malagii yidhi" yaa la cadaabayaa"  misay naftii tidhi  labadaba   misuuu yidhi malagiina "  saas bay isku yihiin jidhka iyo naftu  waana  nili wada cadaabaya"
ka dibna qof walbaa wuxuu caabuday ha raaco ayaa la odhanayaa qofkii gaalka ahaa inuu yidhaahdo maalinkaas   "maanta ma raacayo diinta christinka ee i anfacimaysid ee orod iska tag   awood uma leh inuu saa yidhaah   waayo aduunyadii buu soo raacay..
 
waxaa meesha ku soo hadhaya muslimiintii  ilaahay  taqaanay 
xitaa kii markuu dhulka korkiisa joogay ilaahay yaqaana ee  aan u tukan jirin ee camal wanaagsan ku dhaqaaqi jirin ee ilaahay uun yaqaanay mararka qaarkood waxaa la yidhaah dadkaas buu ku soo dhex jiraa.laakiin   in kastuu isaguna ciqaab daran la marsiin dono,
misaa lagu yidhaahdaa muslimiintii  "war idinku maydaan tagayn waakuwaa dadkii tageen"     misay yidhaahdaan anagu dadkaa markaanu aduunyadii joognay maanaan raacin  ee  ilaah  baanu leenahay ee isaga ayaanu sugaynaa   misaa lagu yidhaah "  oo ilaahay ma aragti aa ku taqaanaan baa jirta" misay yidhaahdaan haa way jirtaa aragtidiisana waa quraanka ayeey ku dhex jirtaa  ee  barta ..
misuu ilaahay si kale iskaga soo dhigaa oo si aanay ku aqoon u soo baxaa  misuu yidhaahdaa "  ANIGA AYAA RABIGIINI  AH"
  misay yidhaahdaan  " adiga  ilaahay baanu kaa hoos galnay"
halkan baanu joogaynaa ilaa ilaahayagi inta uu ka imaanayo ayeey odhanayaay
 
WAA LA IMTIXAAAMAYAA   SOO MA ARKAYSID
 
misuu ilaahay kor ahaaye u soo baxaa misay sujuud u wada dhacaan muslimiintii,    ilaahay sida uu ku soo baxayo kama jawaabi karo waxna kama sheegi karo waayo awoodayda way ka baxsantahay.
 
kii markuu dhulka kor joogay  aan tukan jirin maalinkaas ma sujuudi karo waayo aduunyadi muu u soo tukan ilaaha oo dhabarkiisa bir baa laga dhigayaa awood uu ku sujuudona   ma leh.
 
(  qofka in yar oo iimaan ahi uu ku jiro qalbigiisa waxa uu noqda  kuwa nabi maxamed u shafeeco qaadi doono iyagoo cadaabta ku jira la odhan don soo daaya ha raacaan nabigoodee  ) waa dadkii iimaanka yari qalbigooda ku jiraye..
 
 
ka dibna ilaahay wuxuu siiya janooyin iyo nimcooyin iyo wax kasta ay mutaysteen  oo axaadiisteena iyo kitaabka quraanka ee wayn ku soo arooray        ... wasalaamu calaykum....
 
 
 
 
 
contact abdikarim:
 
 
                              tel:00468387447
 
                                XUSUUS
 
1:  ma doonaysaa web site  qiimo aad iyo  aad u jaban oo ku raali galinaya
 
2:ma doonaysaa web site laguugu dhiso xeerka looyaqaan  HTML.
 
3:maxaadse u baahan tahay hadaad doonaysid inaad dhisto web site.
 
 
 
 
 


webhosting
kusoo dhawaada gacmo furan idinkoo mahasan
abdikarimsweden


What's New?

Here I might add an entry whenever I make an update to my web site. Where appropriate, I'll include a link to the change. For example:

11/1/01 - Added new photos to Vacation Album page.



Please get in touch with any comments or reactions to my site.

a