Make your own free website on Tripod.com

TAARIIKHDII HORE EE SOOMALIDA

Waxaa hubaal ah inay luntay taariikh badan oo dhaxal-gal noqon lahayd, taaso sababta ugu wayni ay tahay qoraal la,aanta aanay dadka soomaaliyeed wax qori jirin, Taariikhdii hore ee soomaalida waxaa ka hadhay dhawr sheeko oo dhulka soomaalidu degto laga wada yaqaan sida " Araweelo" ookale, Gabayada xilliyadan danbe la qoray waxay u badan yihiin suugaantii qarnigii 19_aad. intaa dabadeed waxa jira, qoraalo la isku raacasan yahay ,oo wax ka sheegay ama ka tilmaamay deegaanka soomaalidaa. Faraaciinta iyo xidhiidhkii ay soomaalida la lahaayeen ayaa ka mid ah waxyaabaha waxyaabaha la isku raacsanyahay ee qoran. waxaa la ogsoon yahay oo kale in carabtu muddo aad u fod xidhiidh ganacsi la lahayd dadka soomaaliyeed ee xeebaha dgenaan jiray waxaa kaloo ka mida dadkii xidhiidhka la lahaa geyiga soomaaliyeed Bershiyanka iyo Hindida. Xilliyadaa ay dadkaasi ganacsiga ugu iman jireen carriga soomaaliyeed, maaha 100 sanno ka-hor ee waa 1000 sano iyo intii ka horaysay. Dadkii faraacinta la odhan jiray oo ku noolaa dhulka imika loo yaqaan masar waxay lahaayeen aqoon ilaa maanta laga yaaban yahay oo aan si fudu lagu ogaan karin, waxaa tusaale kaaga filan Ahraamta weli uu taagan yahay dhismahoodi iyo dawadii ay marin jireen maydka boqoradooda. Dad-kaa faraacinta la odhan jiray mudooyinkan danbe waxaa soo baxaya doodo odhanaya dadka faraacintu waxay ka soo jeedaan asal ahaan dadka soomaaliyeed, waxay-na markii horeba ka yimaadeen deegaanka soomaalidu degto oo ay u yaqaanaan Puntland. Aragti kale ayaa tilmaamaysa in dadka soomaaliyeed asal ahaan ka soo jeedo dad ka soo guuray dhulka carabta. Dadkaasoo dhex-galay dadkii asal ahaan u degenaa geeska afrika. Bulshada asal ahaan u degenayd geeska afrika oo ah dadka la yidhaahdo Galla, waa bulsho aad u balaadhan oo aan odhan karo waa bulshada ugu badan geeska afrika Aragtidaasi waxay sal uga dhigaysaa sidan soo socota.. " Dadka soomaaliyed waa dad kasoo guuray dhinaca koonfureed ee carabta, waxaanay ahaayeen asal ahaan presemitic Cushite, kuwaasoo raad kaga tagay dagaanka la yidhaahdo Dhofar, meeshaas oo ay degenaan jireen boqoradii Himyiratic. ilaa xiliyadan danbe wuxuu raad kaga hadhay "Dhofar" waxayna ku hadlaan lahjad ka soo jeeda afkii dadkii la odhan jiray Himyiratic. Dadkii la odhan jiray sabaens iyo minaeans, waxay qabsadeen xeebta koonfureed ee dhulka carabta xilligii silmon ( 1000 C. H )si joogta ah ayay ugu gudbi jireen dhinaca kale ee xeebta afrika. Arrinku si kastaba ha ahaadee waxaa marag-madoonto ah in geyiga soomaaliyeed soo maray mar-xalado kala geddisan xilliyo aad u kala fog. Boqortooyadii moscha (mokha) ayaa taariikh dheer ku leh xeebaha soomaaliland, sebenadaas oo geddislaydu ka kala iman jirtey dhinac kasta bari, galbeed,woqooyi iyo koonfur waana xilliga dadkii la odhan jiray Himyiratic ay dhankasta u kaceen ilaa hindiya iyo madagaskar Xilliyadaa aynu wali ku guudo jirno waa taariikh ku siman 1000sano, iyo intii ka sii horaysay. Sidaa darteed akhristaw ma fududa sida sawir dhaba loo helo oo ku saabsan sebenedaas tegtay waxayse u baahantahay daba gal si aqooni ku dheehantahay, waxay u baahantahay dadaal dheeraada, gaar ahaan taariikhyahanada soomaaliyeed. Hadaba si loo helo qoraalo la tix raaci karo oo jiilka danbe ka faa idaysto ilaa imikana waxaan ku jirnaa guud mar aan ugu talo galay inaan sawir guud ka bixiyo dadyawgii soomaalida xidhiidhka la lahaa iyo asalka dadka soomaaliyeed halka uu ka soo jeedo, oo si guud ahaaneed ah. maadaama aan soo mudan inaan sheego dakii la odhan jiray Phoenicians-ka. Dadkaa waxaa la rumaysan yahay inay socdaalo ku tegeen dhulka soomaaliyeed gaar ahaan somaliland xeebeheeda iyo gudaha dalkaba Phoeniciansku waxay ahaayeen dad ku caan baxay socdaalo dhaadher oo ganacsi, degaanka ay degenaan jireen waxaa ka mid ah dalka imika loo yaqaan suuriya, inkastoo aanay halkaaso kaliyah degenaan jirin. intii u dhaxaysay qarnigii 4-aad ilaa 7-aad waxay jasiirada socotra xarun muhiim ah u ahayd kaniisad la odhan jiray nestorian chruch.Kániisadaasi waxay baa,baday markii islaamku ku xoogaystay degeenka jasiirada socotra iyo xeebaha somaliland qarnigii 8aad. ¤

XIDHIIDHKII SOOMAALIDA IYO FARAACIINTA

Faraacintu waa dadkii ku noolaa dalka haatan imika loo yaqaan masar Dadkaasi waxay ka tageen raad la raaci karo oo ilaa maanta aan laga gun gaadhin, waxaa yaab leh aqoonta ay dadkaasi lahaayeen iyo quwada ay ku dhisan dhismayaasha waawayn ee la yidhaahdo Ahraamat. Runtii maaha wax si yar lagu agoon karo aqoonta ay dadkaasi lahaayeen, ilaa xiligan aqoontu heerka sare gaadhay, waxbadan ayaan la helin xaqiiqdu siday ahayd. Hadaba dadkaa faraacintu oo dhulka masar ka talinayay muddo 2767 sanno ah. waa mudadii u dhaxaysay 3100 C. H.333 C.H waxay xidhiidh la lahaayeen dhulkii ay u yaqaaneen uduga, dhulk-kaaso ah geyiga gayiga soomaaliyeed xeebihiisa. Mudadaa faraacintu ay ka talinayeen dhulka masar oo aad u kala fogayd waxaa so maray boqqoro farabadan waxaanay ahaayen 178 boqor oo xilka u kala danbeeyay. Sidaa awgeedxidhiidhka ganacsi ee ay faraacintu soomaalida la lahayd wuu kala duwanaa, wuuna kala muhiimsanaa. Boqorkii la odhan jiray saaxawrac oo ahaa boqorkii 32-aad wuxuu xeebta geyiga soomaaliyeed u diray dooni sida alaabo farabadan, doontaasina waxay soo noqotay iyadoo sida am ay ka buuxdo beeyo iyo Foox. Faraacintu gayiga soomaaliyeed umay aqqon magaca aynu maanta isu naqaano ee waxay u yaqaaneen magacyo kala duwan sida dhulkii uduga , dhulkii ilaahyada iyo dhulkii muqadaska ahaa Inkastoo ay badnayd socdaaladii dhexmaray Faraacinta iyo soomaalida waxaase jira dhawr socdaal oo faraacintu ku yimaadeen dhulkii uduga waxaana ka mid ah safarkii ay soo dirtay boqoradii Xitshabsuud. Boqoradaasi waxa amray wixii ay caabudi jireen mid ka mid ah oo la odhan jiray Aamuun, wuxuu boqorada ka codsaday inay safar u dirto dhulkii udduga ( Gaar ahaan Somaliland ) safarkaasoo ka koob-naa doonyo farabadan, waxaa doonyahaa lagu sii raray alaabooyin kala jaad jaad ah. ' Mar hadaynu wax ka taabanay xidhiidhkii faraacinta iyo soomalida taaso laga qori karo buugaag aad u fara badan oo aan lagu soo koobi karay Buug iyo laba toona, ayaad beryahan danbe waxaad moodaa inay xiiso gaar ah yeelatay xidhiidhkii soomaalida iyo faraacinta ka dhexeeyay, sababtoo ah waxa soo baxay dad soomaaliyeed oo baadhitaan ku sameeyay afkii faraacintu qori jireeni iyo taariikhdoodiba waxay taasi dhalisay in ay soo baxdo dood odhanaysa faraacintu asal ahaan waxay ka soo jeedaan dadkii deggenaa dhulkii Udugga dadkaasoo ah dadka soomaaliyeed , doodahaasi waxay ku gun-dhig uga dhigayaan doodooda, markii la macneeyay afkii faraacintu qori jireen. Ereyo badan oo la helay dhawaaqooda ayaa macno ahaan aad ugu dhaw ereyo soomaaliyeed. afkaa faraacintu maanta waxaa jira dad soomaaliyeed oo bartay, dad-kaas ayaa fududeeyay in wax laga ogaado isu egaanshaha afka soomaaliga iyo ka faraacinta Dhinaca afka oo kaliyah maaha sababta ay usoo baxday dooda odhanaysa dadkaa la odhan jiray faraacintu waxay asal ahaan ka soo jeedaan soomaali, ee waxaa jira waxyaabo kale oo uu ka mid yahay dhaqanka oo soomaalida dhaqankeeda u dhaw.

SOMALIA DIB MA U DHALAN DOONTA ?

hadal kooban : Soomaalida wuxuu Eeebe ku manaystay dal hodan ku ah cimiladiisa iyo khayraadkiisa dabaciiga ah, kumase manaysan dad yeesha xigmad iyo daggani ay si buuxda uga faa idaystaan . Dalkaan waxaa loogu sed-buuriyay xeebta ugu dheer Afrika, kumanaan mayl oo ah bad ay dhex ceegagaan khayraad aan la dhamayn karin. waxaa loogu deeqay wabiyaal sannadka oo dhan butaacaya iyo dhul beeraad wax kasta ´ka bixi karaan , Waxaa loogu roonaaday xoolaha nool oo kadinkii aad ka gashaba dhooban, waxaa sahamo badan loogu hubiyey in ay dhulkaan hoos jiifto macaadin nooc walba leh oo ay ka mid yihiin batrool fara badan, yuraaniyoomka qaaliga ah iyo gaaska dabeeciga ah, wuxuu leeyahay cimilo sanadka oo dhan dhexdhexaad ah oo aan lahayn dhaxan iyo kulayl badan midna. wuxuu ku yaal meel juquraafi ahaan istiraataji ah, halkaas oo ay ku yaalin marino badeed oo dunida muhiim u ah. Maxayse kuugu taala , mee dadkii ka faa,idaysan lahaa !! Waaxaas oo nimco ah ayaa maalin kasta macluul loogu dul dhintaa. Dalka barwaaqadaasi taal ayaa dadkiisi caruuru, ciroole iyo haweenba ka carareen cari ayn garanayn u qaxeen. Cududii khayraadkan ka midha dhalin lahayd waxaa la isugu dhiibay hubka wax gumaada, waxaa loo hor kacay in ay is gubaan . Maskaxdii horumarka ka fakari lahayd halaag ayaa loo waciyay waxaa lagu mashquuliyay xitan qabyaaladeed xukun doon indho la,aan iiyo xusul duub xoolo lagu helo jid xaaran ah. taas ayaa laga dhigtay hab nololeed lagu tartamo halkii lagu tartami lahaa hindise caqli ku dhisan yahay iyo hori marin tacab dhalin ku dhisan tartanka nooca ah oo ay horseedeen hogaanka siyaasadu. markuu sii socdaba dalku haadan buu ku sii hoobanayay ilaa uu ku wada dhacay , dadka dadnimadiisu way sii burburaysay ilaa ay gaadhay heer maanla,aan buuxda maryahay la dhigto , heer dunidu ka war hesho umadda wada jir u waalatay (somalia) hoygii ay ku noolayd dab galisay ku dhex gubanaysa , kaaga darnaanta aan dareensanaynba !

QABYAALADA

;hadii aynu eegno qabyaalada wadankeena ka jirta (somalia ) waxaynu odhan karnaa waa qabyaalad aad iyo aad aanu ugu khasaarnay oo wadamadii inala dariska ahaa inugu qosleen oo aduunkii magac xumo inoo gashay qabyaaladaas oo aanu sida xaarka isugu dhamuuqnay. hadaba hadii aanu isku dayno inaan ka warano waxyaabah ugu wacan somalia inay sidan noqoto waxaan odhan karaa aniga oo hadalkayga si cad u sheegaya waxaa ugu wacan waxa weeyaan mucaamalo xumo qabyaalad iyo jihaadkii oo laga cararyo... fadlan dadka soomaaliyeed waxaan ugula talinayaa inay iska dhaafaan dhaqan xumadan ay wadaan waayo iyada oo ay somaliland ka sarayso haddana sida uu DAAHIR RIYAALE KAAHIN ku helay NABADA iyo sida uu cabdilaahi yuusuf ku raadinayo laba is leh maaha ayaan u malaynayaa cabdi laahi yuusuf in kasta oo uu jabhad milatary ahaa ninkasta oo military soo ahaan jirray oo madaxtinimo qabtaana badana lagu ma raayo madaxwaynhaas oo kale. qodobka ugu wayni ee soomaali ugu wacan qabyaalada waxa weeyaan madaxtinimada waayo madaxwayne marka uu ka dhaco madaxtinimada inuu yidhaahdo mid qabiilkiisa ka tirsan war kaalay adigu qabso , hadaba walaalyaal hadii ay dawladu sidaas ku socoto oo ay ku caan baxdo qabyaaladas foolxumada leh waxaa kaloo imanaysa in uu qabiil kastaaba uu yidhaado ninkan ila qabiilka ah ayaan ugu ridayaa ama isaga ayaan la doonaya madaxtinimada, markaa halkaa waxaa ka cadaanaysaa inuu qabiilku qabiilka kale ku taagsado...mmmmmmm

YAA RIDAY DAWLADII MAXAAD SIYAAD

( bare)madax wayne maxamed siyaad wuxuu ahaa nin marka laga bilaabo maaliintii uu xukunka dalka hantiyay 21kii oktober , 1969 tan iyo maanlintii laga tuuray xukunka janaayo 27,1991, hadba xeelado kala duwan ku ayaama gaara, wuxuu ahaa nin aan aqoon wadan oo wax walba ku dayay : somalinimo, carabnimo, afrrikaanimo, ciidanimo, xisbi ahaan, hantiwadaag ,laba kaclayn, laba gadoon , u tuuta gashasho ,hanti goosad, ul yar u qadaasho ,kala qalajin, hanjabaad ,dhabarjabin,qabiildiid, oday odayeen qabiil ku shaqaysasho iyo in ala inta tab ah oo uu is lahaa ayaamo ayaad ku sii daaqi doontaa marka laga bilaabo sanadahii uu horeeyay ta iyo bartamahii sideetaanadkii wuxuu ilaa iyo xad soo dhawaystay qabiilka uu ka dhashay ee (mareexaan) iyo labada qabiil ee ogaadeen iyo dhulbahante. Markii uu xooray axmed sulaymaan wuxuu waayay qayb wayn oo ka mid ahayd dhul bahantaha, laakiin dhulbahantuhu waxay ku fiicnaayeen oo ay ku amaana yihiin marnaba hub inta aŭ gurteen jabhad ma aysan samaysan amxaaro iyo meel baasna may aysan aadin. markii ay isku kaceen isaga iyo aadan gabayaw dabayaaqadi 1988 oo ka dibna uu xabsiga dhigay wuxuu maalmahaasba waayay kalsoonidii ogaadeenka oo waa tii ay baxeen oo ay samaysteen jabhadoodi ay ugu magac dareen SPM. sanadkii 1989kii waxay ninkaas talada xumaa isku soo hareen oo ummada soomaaliyeed isugu danbeeyeen qaar ka mid ah qabiilka uu ka dhashay mareexaan oo kuwo farabadan oo ay ka mid ahaayeen reer dalalka hore isu waayeen. intaas kuma uusan joogine ee bilawgii sanadkii 1990kii wuxuu maamulkii gaashaandhiga iyo gaar ahaan umuurihii xerada 77 ka wareejiyay maslax isago oo u dhiibtay morgan. arrintaas waxay aad uga xanaajisay xoogi ugu danbeeyay ee ninkaas waayahaas danbe talada ku hayay iyo qabiilkuu isagu ka dhashay. Dawladii maxamed siyaad waxay ahayd dawlad ay iska hor yimaadeen dadwaynihii iyada hoos imaanayay, waxaana dhacday inuu maalinba qabiil ka mid ahi qabiilada soomaaliyeed dibada u baxo oo hubka gurto . Qabiilkii ugu horeeyay ee ay dadkiisu iska hor yimaadaan wuxuu ahaa qabiilka Majeerteen oo 1979 samaysatay jabahad magaceeda la yidhaah SSDF. waxaa ku xigay qabiilka isixaaq ee goboladda woqooyi daga , waxayna sanadkii 1981kii samaysteen jabahad la magac baxay SNM. waxaa iyana ku xigay qabiilka ogaadeen oo 1988kii samaystay jabhada SPM. waxaa ugu danbayntii hal sano iyo bar intaysan dawladaasi dhicin jabhad samaystay qabiilka Hawiye oo isna jabhadiisa ula baxay USC uu hogaaminayo caydiid. Ugu danbayntii sanadkii 1990 iyadoo dhibaatadii dalka ka jirtay sii badatay oo xitaa caasimadii dhamayd ay noqoqay nal,aan, biyo la,aan ,nabad galiyo la,aan Bangiyadii ay baaba,een sicir barakii boqolkiiba dhawr boqol isku taagay oo waxba walba isku dhalaaleen oo xitaa urur siyaasi ah oo "manifeisto" la yiraahdo odayaal soomaaliyaad oo qabiil walba leh magaalada bartankeeda ku sameeyeen , waatii dadku bandaw sameeyeen talo-xumadii iyo farsamo-xumadii dawlada awgeed , waatii markuu dadku hubka gurtay oo madaxtooyadii la weeraray. Hadaba su aasha is waydiinta mudani waxay tahay , sidee baa looga adkaaday maxamed siyaadkii dhamaa ee haystay dawlada wax walba haystay ,ciidamo bad,daayuurado, taangiyo, madaafiic iyo wax walba.? ¨ Jawaabtu waa dhawr arimood.... Mar haddey meel ka dhacdo xaq daro cid ala cidii xaq daradaas la dagaalantaaba waxay noqdaan dad xaq ku diriraya, xitaa inkasta oo aynu aragnay inay jabhadii soomaaliyeed ahaayeen kuwo laftigoodu aan xaq ku socon waliba kasii liita maxamed siyaadkey doonayeen inay badalaan kuwaasi marka ugu horaysaba kuwo cadawgii ummada u tagay oo xaq daro adeegsanaya ayeey ahaayeen, waxay ahaayeen xaq daro xaq daro ku badal, qabyaalad qabiil ku badal. Hadana cid ala cidii ka hortagta xaq daro waa la hubaa inay ka guulaysanayso oo ay liibanayaso, xaq daro sida la wada ogsoonyahay lugo ad-adag oo ay ku taagan tahay ma leh oo ugu danbaynta ma noqoto mid sii taagnaata, Ninka shalay somaliya madaxwaynaha u ahaa wuxuu ahaa nin talada xumadiisa iska dhaafe cid kale ee mushaharo u waayay kuwii isaga ilaalinayay,ciidamadii koofiyad guduudka lagu magaacabi jiray. Nin farsamo xun mar haduu talada hayo mudo kasta oo uu meel joogo wixiisu waxay noqdaan wax dabada ku furan oo aan meel gaareen. Waxaa ninkaa madaxweynaha ahi ku hareersanaa niman uu wasiiro iyo madax sare ka dhigtay oo ay talo xumadiisu keentay inuu reerahooda ku bixiyo sidii amxaaradii ciidamo iyo saraakiil aan cilmi garaadba lahayn sidii dhaga-bacayr oo kale oo isagu ahaan jiray ninkii maxamed siyaad dharka u dhaqi jiray

DADKA SOOMAALIYEED EE SHARAFTA LEH EE ILAAHAY U DHALIYAY QABIILKA ISAAQ

Dadka soomaaliyeed ee ilaahay u dhaliyay qabiilka isaaq waa dad wax ala wax sharaf,karaamo iiyo dadnimo ee uu ilaahay u dhaliyay qofka soomaaliga ah ilaahay ku manaystay, xumaato gaar ah ama wanaag gaar ah oo uu qofka soomaaliga ah ee ilaahay u dhaliyay qabiilka isaaq iska leeyahay ma ay jirto, waxaadan dadka soomaaliyeed ee isaaq u nici karin sida qabiil walba ama beelwalba waxaa dadkaasi ku jira : caruur, ciroole,aqoonyahan , wadan dadkiisa iyo dalkiisaba jecel,sama ka taliye, culimodii-need, dhakhtar dadka daaweeya ,macalin dadka wax bare ,cibaadayste ilaah ka baqa iyo in ala inta ay dad qabiil iska leeyihiin.. Mida kalemarkuu ilaahay dal somalia la yiraahdo samaynayay wuxuu bartanka u dhigay oo uu ugu talo galay dadka sharafta leh ee isaaq inay ka mid ahaadaan.......way soo socdaan hadaladaasi iyagoo faahfaahsan.

YAA JIBAAXAY DAWLADEENI SHARAFTA LAHAYD EE SOMALIA

?Marka hore hadii aynu eegno madaxdii soo martay somalia ee uu ka mid ka ahaa Maxmed siyaad bare iyo qaar kale oo badan, ma odhan karayno iyaga ayaa ka masuul ah in ay somalia burburto hase ahaate su,aasha meesha ku jirtaa waxay tahay, Hadii aanay madaxdii somalia soo martay aanay wax burburin yaa kaloo awood u leh inay wax burburiso ? jawaabtu waa dhawr siyaabood..... Sideedaba hadii ay meesha xukuumad timaado waxaa wax xukuma shacab iyo dadwayne , Iyagana waxaa sii xukuma qofkay u doortaan inuu iyaga xukumo oo ay madaxwwayne ka dhigtaan, hase ahaate somali hadii aad maqasho waa ( Ina qabiil ) oo badanaa qabiilka ayuu jecelyahay, mataln, Hadii aad magaalo ka tirsan somalia timaado oo aad waraaq u sido qof magaaladaas jooga waxaa laga yaaba in aad qaofkaas aad waraaqda u sidid helin si kasta oo aad adreeskiisa u haysoba, hase ahaate hadii aad dadka magaaladaas waydiisid oo qabiilkiisa sheegtid iyo reerka uu ka dhashay, waxaa suurto gal ah in aad si deg-deg ah ku heshid qofkii aad raadinaysay. Anigu markaan fikrad ahaan qiyaasay waxay iila muuqatay inaysan dawladeenani (somalia) in aanay dhibaato ka baxeen waligeedba ama madaxwayne waalan ja qabsado ama mid caadi ahi ha qabsado oo xukunka kula wareega milaterinimo iyo mid la doortayba, waxa dhibaatada wada waa shacab iyo qabiil isku dhex-jira. Hadii aynu usoo noqono jawaabta, waxa maanta ka dhacaya xamar iyo agagaarkeeda ee ah, Dil, Dhac, Tuugnimo,Qabiilqabiilaysi, iyo anaa kaa fiican iyo anaa kaa xoog badan. Ma aha wax imika bilaamay iyo wax u dhawtoona ee hadii aynu eegno taariikhda soomaaliyeed , waxaa suurto gal ah in aynu helno siyaabihii iyo meelihii ay ka soo bilaameen dagaaladani, iyo dadkii u hor kacay, iyo madaxdii u hor kacday, iyo waliba qabiilkii u hor kacay. Akhristaw markaan leeyahay QABIIL ha moodin inaan ku khaldanahay taas iyada ah, Waayo waxa wadamada soomaaliyeed ´ka socda sida muqdisho oo kale, ma odhan karno waa laba dawladood oo is leenaya EE waa shicib iyo dawlad. su,aashu waxay tahay, qabiilku labadaas beelood (somali vs dadwayne) kee buu ku jiraa ? jawaabtu waa siyaabo badan.... Marka hore dawlad waxay ku dhisan tahay waa shicib iyo dadwayne, hadaan shicib jirin dawladi ma jirto, hadaan dawladi jirina shicib ma jirayo, iyagoon hadana sidaas u kala maarmin ayaa wadamada qaar shicib koodi iyo dawladoodiba isku kacsanyihiin oo dagaal ka dhex socdaa sida wadanka somalia. Hadaba waxaan odhan karnaa in shicibku %73 yahay qabiil marka laga reebo in yar oo aqoonyahaniin ah oo ilaahay ka cabsata oo diinta teeda fiican ku taagan. Hadii aan usoo noqdo jawaabta cinwaankeena ah maxaa soomali jibaaxay ama sidan ka dhigay, aan isku dayo inaan kaaga faalado waxyaabo badan oo ku saabsan jawaabtaas. Marka hore hadii aan fikrad fiican kaa siiyo jamhuuriyada la magac baxday SOMALILAND dad kaasi waa dad badankoodu ay yihiin qabiilka ISAAQ oo kaliyah, waa dad sharaf iyo karaamo iska leh Jamhuuriyada somaliland waxay somalia ka go,aday bari hore :may 18 1991kiiaadkii oo ay hogaaminaysay jabhada la magac baxday SNM, iyaga oo dadkaa la fara xumeeyay oo si xun loo galay ka dibna ay somliba ka goosteen oo ay dhinac istaageen oo ay la baxeen jamhuuriyada somaliland, Hadii isaaq la waayo somaliana waa la waayaya oo masii jirayso Hadii aynu eegno dhinaca iyo somalia waxaa isugu tagay dadkaa qabiilo farabad , oo aanan jeclaysan inaan halkan ku soo qoro, dadkaasi waa dad aan is-ogolayn oon heshiis ka dhaxayn oo ay yihiin qabyaalad soconaysa xasad ay is-xasdayaana ku dhex jiro oo uu door muhiim ah ka qaatay , Inkasta oo wadan sida uu udhanyahayba aan wada wanaagsaneen somalilanda ha ahaade. Midda kale DAAHIR RIYAALE KAAHIN , sida uu nabada ku helay iyo CABDI LAAHI YOUSUF sida uu ku raadinayo laba is leh maaha, Halkaa waxaad ka dareemi kartaa in aanay labada dawladood isku mid ahayn isku darajona ahayn. Wadanka somalia runtii waa wadan khayraadkiisu fiican yahay oo wadamada qaarkood ay yidhaahdaan shidaal baa ku jira , Qaarna ay yidhaadaan Macdan baaba ka buuxda, Waxaa dhici karta in hadalaadaasi dhab yihiin, su,aal baa odhanaysa Meeye dadkii nimcadan ka faa,idaysan laha , Mahaboona inaan dib ugu noqdo hadal aan soo sheegay waayo hadalkaas xaga sare ayaan kaga soo hadlay. Dad badan baa ku faana wadanka somalia waa wadan la aqoonsanyahay wadanka somaliland isna lama aqoonsan, Akhriste taa maxaad ka odhan lahayd ? Runtii way jirtaa arrimaahaasi , in somalia aduun waynaha laga yaqaan somaliland iyadana aan la aqoon laakin su,aal baa leh TAA MAXAA KU JABAN ? maxaase faa,ido ah oo ku kala dhex jira aqoonsi iyo aqoonsi la,aanba ?¨ Runtii faa,idooyin kolay way iska jiraan haba yaraadaanee hadii aan isku dayo inaan mid yar ka sheego waxay tahay sidan soo socota: Qof ala qofkii somali ah ee qurbo yimaada wuxuu ku jooga iyo wuxuu ku shaqaystaaba waa inuu somalia ka yimi, waxaaba dhici karta in uu ka yimi HARGEISA ama BURCO , oo aanu sheegi karin inuu somaliland ka yimi sababtoo ah lama yaqaan wadan la yidhaah somaliland Runtii way jiraan faa,idooyin kale ha iskayaraadaanba,e Waxaan jeclaystay inaan halkan ku soo qorin waayo akhristayaal badan,waxaa dhici karta in ay dacwad iga bixiyaan. Mararka qaarkood dad badan baa is waydiiya somaliland wa,ayo xagayse ku taala aqoonsi ma leedahayse ? Runtu waxay tahay mar hadii aanu soomaali nahay in waxaas oo kale lagu murmo aanay dhici karin sababta oo ah Akhristaw waad garanaysaa wadanka sharafta leh ee SOMALILAND anigu waxaan ku leeyahay ha inkirin walaalada weeye waligaa yeyy dhicin inaad cadaawad u qaado waayo hadii aan adiga ku waydiiyo Maxaad walaalada ku nacday? waxaan u malaynaya in aanad jawaab u hayn, waxaan u malaynaya inaad ila yaabantahay su,aasha waayo waa walaal walaalkiisi kale fogaynaya , inkasta oo cudurku aanu ku ekeen somalia oo qudheh ee sidoo kalana uu ku dhacay somaliland, Waa laba wadan oo walaalo ah oon iska maarmeen oo Qabyaalad iyo xasada kala keexeeyay iyo dhibaatoyinka kale . Lasoo xidhiidh qoraaga webkan mr:Abdikarim Ahmed Hussein. skyword268@hotmail.com