1, GANACSIGA
halkan oo aanu su,aalo iyo jawaabo ganacsiga ku saabsan ku soo banidhigi
doono qaarkood !
s1: maxaa lagu kala saaraya
hadii laba qof isku khilaafaan qiimaha wax ay kala iibsadeen markhaatina aysan haysan?
j1:qofka wax iibinaya ayaa dhaaranaya, isaga
ayaan hadalkiisa la qaadan ama way kala noqonayaan.
s2:ma banaan tahayin badeecadalagu sii
iibiyo meeshii lagu iibsaday?
j2:maya waa xaaraam.
s3:maxaa sabab u ah dhibaatooyinka iyo duliga heysta muslimiinta
maanta?
j3:mucaamalo xumo, aduunyo jeceyl iyo jihaadkii
oo laga tagay.
s4:qofku ma isi saari karaa deyn qof nool ama dhintay lagu
leeyahay?
j4:HAA.
s5:yaa laga doonaya inay ka bixiyaan deyn lagu leeyahay
qof muslim ah oo geeriyooday hadii la waayo qof ka bixiya dayntaas?
j5:dawlada islaamka ah.
s6:madaxwayne ama boqor ma xiran karaa dhul gaar ah si
ay xoolihiisa kaliyah u daaqaan?
j6:maya, laakin dawlada islaamka ayaa dhul u xiri
karta xoolaha muslimiinta kaliyah.
s7:lacag ma lagu qaadan karaa quraanka wax ku daawayntiisa?
j7:haa way banaa tahay.
s8:muxuu noqon xukunka qof guri ka dhista boos qof kale
leeyahay?
j8:waa in laga dumiyaa gurigaas meesha, hadii
uusan doonayn qofka booska leh in laga iibsado.
s9:maxaa lagu sameyn qofka haduu leeyahay warshad uu lacag
badan ka helo,laakiin qiiqa ama qaylada warshadaas ka soo baxa ay dhibayaan dadka xaafadaas dagan?
j9:waa laga joojiin qofka wixii isaga faaiido
u leh, laakiin dadka kale dhib u gaysanaya.
s10:sidee baa wanaagsan qofka wax laga amaahdo in
loola dhaqmo?
j10:waxay akhyaarnimadu ku jirtaa in qofka
wax laga daynsado wax ka fiican la siiyo.
2, GUURKA
halkan oo aanu su,aalo iyo jawaabo guurka ku saabsan ku soo bandhigi
doono qaarkood!
s1:ninku haduu xaaskiisa ku yiraahdo hooyadeey oo kale
ayaad iga tahay , xaaraam maka noqonaysaa ?
j2:xaaraam ayeey ka noqonaysaa ilaa uu
kafaaro-guud la yimaado.
s2:nin iska ciyaaray haduu nin kale ku yiraahdo "
gabadhayda waan kuu meheriyay" ninka iyo gabadhana is rabaan meherkaas ma jira?
j2:Haa
haduu ninku aqbalo.
s3:haweenaydu ma dalban kartaa furitaan?
j3:HAA hadii ay sabab sharci ah
haysato.
s4:maxay xaq u leedahay haweenayda uu
ninkeedi ka dhintay iyagoon is taaban?
j4:meher iyo dhaxal, ciddo inay tirsatana
waa laga doonaya.
s5:waa sidee inuu ninku xaaskiisa gadaal
uga tago?
j5:meel aan ka ahayn meesha dhalmada (farjiga)
waa mamnuuc in haweenayda looga tago lacnad ayaana ku dhacaysa qofkii sameeya.
s6:waa sidee xaasku inay iska diido ninkeeda isagoo uga
baahan galmo?
j6:waa danbi waxayna isku darsan carrada allah
iyo lacnada malaaŽikta.
s7:maxay xaq u leedahay maxkamad islaami ah oo ay usoo
dacwootay gabar loo diiday wiil ay is rabaan inay is guursadaan?
j7:in aabaha lagu yiraahdo isku meheri, haduu
diidana maxkamaddu isku meheriso.
s8:maxaa la gudboon gabar iyo wiil is rabaa, laakin
la isu diiday?
j8:inay maxkamad islaami ah isla tagaan oo ay
isku meheriso xattaa haduusan waalidku ogalayn.
s9:muxuu ninku ka samayn shardiga ay gabadhu qabsatay markii
la nikaaxinayay?
j9:waa in loo oofiyaa shardigaas hadii uusan
sharciga ka hor imaanayn.
s10:maxaa loo baahan yahay in la iska ilaaliyo marka la
is shukaansanayo?
j10:isla cidloobid/khalwo, muddo dheer wada socosho,gacmo
is qabsi, faaraanti isku galin waana dhaqamo xun-xun oo sharciga ka soo horjeeda.
3, WAX YEE LADA
halkan oo su,aalo iyo jawaabo wax yee lada ku saabsan ku soo
bandhigi doono qaarkood!
s1:ma la oran karaa gaal ayaa muslim ka fiican?
j1:maya waana danbi wayn oo ay culumadu qaarkood
yiraahdaan in diinta looga bixi karo, laakin wanaagooda waa la sheegi karaa.
s2:muxuu xalaal ku noqon karaa dhiiga qofka muslimka ahi?
j2:inuu zino la yimaado isagoo guur soo
maray, inuu dilo qof muslim ah iyo inuu diinta islaamka ka noqodo.
s3:qof aan muslim ahayn ma lagu khasbi karaa islaamnimada?
j3:MAYA, haduusan cadawtinimo muslimiinta
u gaysanayn,laakin waa loo sharaxaya oo waa loo soo bandhigayaa.
s4:waa imisa magta qofka loo dilo si u eg kas ula
kac iyo gaf, qofkii dilayna la garanayo?
j4:100-neef oo geel ah, 40-kamidana ay irmaanyihiin.
s5:muxuu bixinayaa hadii dhakhtar la yaqaan qof uu daawaynayay
ama qalayay dhinto?
j5:waxba looma haysto.
s6:muxuu mag ahaan u bixinayaa, qofkii ku dhufta
qof kale dhaawac lafta cadeeya?
j6:shan neef oo geel.
s7:waa sidee qokii la dilo isagoo daafacanaya xoolihiisa?
j7:waa shahiid, haduu xoolaha uu isagu leeyahay daafacanayo,
laakiin maaha inuu dhulka muslimiinta la kala leeyahay.
s8:mag ma leeyahay qofkii qof qaniina oo markaa ay
ilkuhu ka daataan?
j8:MAYA, mag iyo aar gudasho midna malaha.
s9:mag ma leeyahay ilmaha ku dhinta uurka hooyadiis dhaawac
hooyadiis loo gaystay awgeed?
j9:HAA waa leeyahay, laakiin mag dhamaystiran
ma laha.
s10:waa imisa magta faraha?
j10:fartiiba waa 10-neef oo geel ah, faraha lugaha
iyo gacmahaba.